Xaqiijinta howlwadeennada shaqada laga eryay ee Garissa oo berri billaabanaysa

0
365

Ka dib amarkii maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee dalka ka soo baxay 10-kii bishan ayaa waxaa berri ismaamulka Garissa dib uga billaabanaya xaqiijinta shakhsiyaad horay looga joojiyay shaqooyinkii ay u hayeen dowlad deegaankaasi.
Waxaa dabagalka dheeraadka ah iska kaashanaya guddiga adeegga dadweynaha ee Garissa iyo waaxda qaabilsan arrimaha shaqaaleysiinta.
Dadkan ayaa laga doonaya inay laga billaabo berri tagaan xarunta FTC iyadoo la raacaya jadwal arrinkan loo dejiyay.
Dadkan ayaa fursad loo siinaya inay cadeeyaan sida ay uga mid noqdeen shaqaalaha dowladda hoose ee ismaamulka Garissa iyadoo howshan ay socon doonto ilaa 17-ka bisha labaad ee sanadkan.
Turxaan bixinta oo horay loo billaabay ayaa la hakiyay ka dib markii uu muran ka dhashay.