Nigeria oo 17 sano ka dib laga sameynaya tirakoob shacab

0
309

Dowladda dalka Nigeria ayaa sheegtay in dhammaadka bisha Saddexaad ee sanadkan halkaasi laga billaabi doono tirakoob qaran.
Waxay noqonaysa markii ugu horreysay muddo 17 sano ah ka dib oo la tirin doono dadweynaha wadankaasi oo ah in ka badan 200 oo milyan oo qof.
Qaramada Midoobay ayaa qiyaasaysa in marka la gaaro sanadka 2050-ka in tirada dadweynaha ku nool Nigeria ay laba jibbaarmi doonto.
Tirada shacabka ee Nigeria ayaa saameyn ku leh sida loo qaybsado dakhliga shidaalka iyo matalaadda siyaasadeed ee 36 gobol iyo ilaa 300 oo qowmiyadood.
Guddoomiyaha guddiga tirinta dadweynaha ee Nigeria Nasir Isah Kwarra, ayaa sheegay in tirakoobka qaran la qaban doonto laga billaabo 29-ka bisha Maarso ilaa 2-da bisha Afaraad ee sanadkan.
Tirakoobka Nigeria ayaa lagu waday in la qabto sanadkii 2021 balse dib ayaa loo dhigay amni darro baahsan oo ka jirtay dalkaaasi awgeed.