Barasaabka ismaamulka Wajeer ahna guddoomiye ku xigeenka golaha ay ku mideysan yihiin hoggaamiyaasha dowlad deegaannada ee (COG),Axmad Cabdullahi ayaa kulan la qaatay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray sare u qaadidda xiriirka ka dhexeya dowladda sare iyo ismaamullada.
Axmad Cabdullahi iyo Gachagua ayaa sidoo kale ka wada hadlay xallinta caqabadaha ay wajahayaan shacabka ku nool deegaannada lagu tilmaamo oomanaha ee ASALs si gaar ah saameynta abaarta.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa ballanqaaday in la sii wadi doono dadaallada ay waaxyaha kala duwan ee dowladda dhexe , shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay iyo saaxiibbada Kenya ee dhinaca horumarka ay uga falcelinayaan abaarta.
Guddoomiyaha Wajeer ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ismaamullada ay dowladda sare uga mahadcelinayaan dadaallada ay wado.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa xusay in dowladda oo kaashanaysa hay’adaha horumarka iyo waaxyaha gaarka ah ay saameynta abaarta u heli doonto xal ku meel gaar iyo mid muddo fog ah labaduba.
On behalf of the @KenyaGovernors, I have today held extensive talks with the DP H.E. @rigathi. Our discussions were focused on strengthening inter-governmental relations & collaborations in particular to address the drought-related challenges facing the Arid & semi-arid counties. pic.twitter.com/NvOHXXDdrU
— H.E Ahmed Abdullahi (@HEAhmedJiir) January 10, 2023
10th January 2023
Today,I held a consultative meeting with the Governor of @WajirCountyKE Hon. @HEAhmedJiir; We discussed pertinent issues around the current drought situation and areas of collaboration between the two levels of government in combatting the ongoing drought. pic.twitter.com/D90U4BK4iD
— Rigathi Gachagua (@rigathi) January 10, 2023