Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka tirsan isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa madaxweynaha wadanka William Ruto ku dhaliilay dib u habeyn uu dhawaan ku sameeyay maamulkiisa.
Ruto ayaa amar madaxweyne oo ah midkii ugu horreeyay ee uu soo saaray sanadkan ku kala cadeeyay shaqooyinka ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ,madaxa wasiirrada Musalia Mudavadi iyo xeer ilaaliyaha guud Justin Muturi.
Xeer ilaaliyaha ayaa dhankiisa loo xil saaray inuu waaxda garsoorka kala shaqeeyo xaqiijinta maamulka cadaaladeed.
Rigathi ayaa ka shaqeyn doono wanaajinta xiriirka ka dhexeya dowladda sare iyo ismaamullada halka Mudavadi uu isku xiraya golaha fulinta ee dowladda iyo baarlamaanka.
Hasa ahaate senatarka ismaamulka Vihiga Godfrey Osotsi ayaa sheegaya in tallaabooyinka uu qaaday madaxweynaha ay yihiin kuwo baalmarsan dastuurka .
Waxaa uu ku doodaya in dastuurka wadanka uu qeexaya farqiga u dhexeya iyo sida ay u wada shaqeyn karaan baarlamaanka , garsoorka iyo golaha fulinta.
Senatarka Vihiga ayaa intaasi ku daray in baarlamaanka uu sidoo kale leeyahay hoggaanka aqlabiyadda iyo siyaasiyiinta laga tirada badan yahay oo la xiriiri karo golaha fulinta ee dowladda sare sidaas awgeedna aynan jirin sabab Mudavadi loogu igmado inuu labada dhinac u dhexeeyo.
Xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Jeremiah Kioni ayaa dhankiisa ku doodaya in go’aanka Musalia Mudavadi loogu xil saaray kormeerka bixinta adeegyada dowladda uu u muuqdo mid madaxa wasiirrada awood ahaan ka sarreysiinaya madaxweyne ku xigeenka wadanka.
Xildhibaanka deegaanka Saboti , Caleb Amisi iyo dhigiisa Makadara , George Aladwa ayaa dhankooda xusay inay isha ku hayn doonaan wada shaqeynta ka dhexeysa xafiisyada madaxweyne ku xigeenka iyo madaxa wasiirrada.
Aladwa ayaa carrabka ku adkeeyay in amar madaxweyne uunan ka sarreyn dastuurka dalka sidaas awgeedna hoggaamiyaha wadanka laga doonaya inuu dadweynaha ka qayb geliyo go’aammada uu qaadanaya.
Xoghayaha guud ee xisbiga ODM ahna senatarka ismaamulka Nairobi , Edwin Sifuna ayaa isna sheegay in barasaabyada ismaamullada aan looga baahnayn inay ka amar qaataan madaxweyne ku xigeenka dalka.
Waxaa uu Sifuna hoggaamiyaha labaad ee Kenya kula taliyay inuusan guddoomiyaasha ismaamullada ku soo faragelin shaqooyinkooda.
Waxaa dhammaan dhaliilaha mucaaradka ee ku aaddan isbeddellada uu sameeyay madaxweyne William Ruto gaashaanka u daruuray Javas Bigambo oo ku takhasusay maamul wanaagga.
Waxaa uu sheegay in madaxweynaha uu xaq dastuuri ah u leeyahay inuu dib u dhabeyn dhanka shaqada ah ku sameeyo xubnaha maamulkiisa.