Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer , Aadan Keynaan Wehliye ayaa been abuur ku tilmaamay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku saabsanaa inuu is casilay.
Qoraal uu soo dhigay barahiisa rasmiga ee Twitter-ka iyo Facebook-ga ayuu ku sheegay in warbixintaasi aynan sax ahayn.
Waxaa uu dadweynaha ka codsaday inay warka faaliska ah iska indha tiraan oo aan lagu marin habaabin.
Mudanaha Ceeldaas ayaa intaasi ku daray in warka been abuurka ah ay faafiyeen shakhsiyaad dano gaar ah leh.
Waxaa uu qoraalka ku sheegay inuu laamaha ammaanka ka codsan doono inay arrintan baaritaan qoto dheer ku sameeyaan si loola xisaabtamo cidda ka dambeyska.
My attention has been drawn to a widespread FAKE letter with unfounded and patchy information circulating on social media by purveyors of deceit and misleaders. pic.twitter.com/AtRSmBIl9W
— Hon. (Dr.) Adan Keynan, CBS (@HonAdanKeynan) January 7, 2023