Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa soo saaray digniin ah in hay’ad dowladeed aynan maxkamadda geyn karin dacwad ka dhan ah waax kale oo dastuuri ah.
Waxaa uu maamullada kala duwan ugu baaqay in haddii uu khilaaf soo kala dhex galo ay kaashadaan xafiisyada madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua iyo madaxa wasiirrada Musalia Mudavadi.
William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in marnaba uunan aqbali doonin in kheyraadka dadweynaha lagu bixiyo geeddisocod maxkamadeed iyadoo loo maraya qareenno.
Waxaa uu cadeeyay in haddii waax ama hay’ad ka tirsan dowladda dhexe ay maxkamadda geyso dacwad ay uga cabanayso maamul kale oo dowladeed ay si iskeed ah u bixin doonto qarashaadka la siiyo garyaqaannada .
Kiisaska noocani ah ayuu hoggaamiyaha wadanka sheegay in dhaqaale badan lagu lumiyo.
With Cabinet Secretaries, Council of Governors, Principal Secretaries, House Leadership, among others, discussed THE PLAN in the ongoing retreat at the Fairmont Mt Kenya Safari Club, Nyeri County. pic.twitter.com/YhKS9spsy0
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) January 7, 2023
Let us commit to building a strong partnership to help us achieve the desires of the people. pic.twitter.com/TfHEuWpCKT
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) January 7, 2023