Waxaa lagu soo warramayaa inay tanaasuleen labo ka mid ah musharraxiintii shalay u tartamay xilka senatarnimo ee ismaamulka Elgeyo Marakwet.
Dowlad deegaankaasi ayaa waxaa ka dhacday doorasho ku celis ah oo ay dadweynaha ku soo xulanayaan senatar ku matali doono aqalka sare.
Tani ayaa timid ka dib markii senatarkii ismaamulkaasi , Kipchumba Murkomen loo magacaabay wasiirka gaadiidka ee dalka.
Musharraxiinta tanaasulay ayaa kala ah qareenka lagu magacaabo Tim Kipchumba oo ka tirsan xisbiga Party for Peace and Development .
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay inuu u hambalyeynaya musharraxa xisbiga UDA ,William Kisang oo ku horreeya dhanka codadka .
Waxaa sidoo kale in loolanka siyaasadeed loogaga adkaaday qiratay Jerotich Seii oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqul aadanaha.
Kisang ayaa waxaa u hambalyeeyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka gaadiidka, waddooyinka iyo howlaha guud ee wadanka Kipchumba Murkomen.