Dowladda oo lagu bogaadiyay lacago ay soo saartay

0
250

Madaxda kaniisadaha ismaamulka Embu ayaa dowladda dhexe ku bogaadiyay inay soo saartay 8.6 bilyan oo shilin oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka liita ee bulshada ku dhex nool.
John Njeru oo ka mid ah baadariyaasha dowlad deegaanka Embu ayaa dhanka kale dowladda ugu baaqay inay xaqiijiso in si daahfuran lacagan loo bixiyo.
Waxaa uu sheegay in ka hor inta aan barnaamijkan la hakin ay jirtay in dad u qalmo lacagahan aan la siin taaso la doonaya in xal laga gaaro.
Sidoo kale waxaa uu maamulka Kenya Kwanza ka codsaday inuu baaritaan dabagal ah ku sameeyo liiska la soo gudbiyay ee dadka ka faa’iiday dhaqaalahan.
Waxaa baaqan mid la mid ah diray Philip Nyaga oo soo jeediyay in la hubiyo in qof kasta oo caawimaaddan u qalmo oo is diiwaangeliyay inuu helo lacagta ay dowladdu soo saartay.
4-tii bishan ayay ahayd markii ay wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka ay sheegtay in lacagtan la soo saaray ay ka faa’iidaysan doonaan 1,072,226 qof.
Laga billaabo 9-ka bishan Jannaayo ayay dadkan heli doonaan 8,000 oo shilin oo ay ahayd inay qaataan afar bilood.