Madaxweynaha Ukraine oo sheegay inay iska caabiyeen 54 gantaal

0
327

Madaxweynaha dalka Ukraine ,Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in taliska hawada ee wadankiisa uu la tacaalay 54 gantaal iyo 11 ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay adeegsatay dowladda Ruushka.
Zelenskyy ayaa qiray in gobollo badan oo ku yaalla Ukraine ay korontada ka maqan tahay.
Meelaha ay xaaladaha adag ka jiraan ayuu ku sheegay caasimadda dalkaasi ee Kyiv, Odesa iyo Kherson oo ku yaalla Koonfurta , gobollada ku xeeran iyo hareeraha Lviv oo u dhow xadka galbeed ee ay Ukraine la wadaagto dalka.
Saraakiisha Ukraine ayaa horay u sheegay in Ruushka uu shalay adeegsaday in ka badan 120 gantaal.
Wasaaradda difaaca ee Ukraine ayaa dhankeeda sheegtay in weerarrada lagu burburiyay ugu yaraan 18 dhismooyin la deggan yahay iyo 10 ka mid ah kaabayaasha muhiimka.