Waxaa la filayaa in qiimaha adeegga korontada ee gudaha wadanka laga billaabo bisha 1-aad ee sanadka 2023-ka uu kordho boqolkiiba 15.
Madaxweynaha dalka ,William Ruto ayaan cusbooneysiin muddada ay sii jiri karto taageero dhaqaale oo ay dowladda dhexe ku biirinaysay tamarta taasoo uu billaabay hoggaamiyihii hore ee Kenya ,Uhuru Kenyatta.
Agaasimaha guud ee maamulka maareeya adeegyada batroolka iyo tamarta ee (EPRA) Daniel Kiptoo ayaa arrintan xaqiijiyay.
Waxaa uu sheegay in muddada kama dambeyska ee la adeegsan karo lacagta ay dowladda u qoondeysay arrintan ay tahay 31-da bishan Diseembar.
Waxaa uu intaasi ku daray in laga billaabo Axadda soo socoto ay kenyaanka qiimo sare ku heli doonaan adeegga korontada.