Shirkadda Infotrak oo waxqabadka madaxweynaha ku sheegtay boqolkiiba 52

0
274

Daraasaad ay sameysay shirkadda cilmi baarista ee Infotrak ayaa muujinaysa in waxqabadka madaxweynaha dalka William Ruto uu yahay boqolkiiba 52.1 .
13-kii bishii Sagaalaad ee sanadkan ayay ahayd markii Ruto loo dhaariyay xilka madaxtinnimo .
Waxaa tani lagu qiimeeyay waxyaabo uu sheegay inuu kenyaanka u oofin doono 100-ka cishe ee ugu horreya maamulkiisa.
Muddadan uu qabsaday hoggaamiyaha wadanka ayaa ku ekeyd 23-kii bishan Diseembar.
Dadka ka qayb qaatay daraasaadka Infotrak ayaa sheegay in madaxweynaha looga baahan yahay inuu sare u qaado waxqabadkiisa.
Madaxa fulinta ee shirkaddan ,Angela Ambitho oo warbixinta soo bandhigtay ayaa William Ruto ugu baaqday inuu diiradda saaro dhaqangelinta ballanqaadyadii uu shacabka u sameeyay xilligii ololaha doorashada.
Marka la eego dhanka dhaqaalaha , dadweynaha ayaa xusay in madaxweynaha uu ka soo baxay boqolkiiba 49.2 ee ballanqaadkiisi.
Kenyaanka ayaa boqolkiiba 55.8 madaxweynaha ku bogaadiyay daahfurka sanduuqa lagu taageero ganacsatada yaryar ee loo yaqaano Hustler Fund.
Waxaa soo raaca lacagaha ay dowladda dhexe u qoondeysay ismaamullada oo ay u riyaaqeen boqolkiiba 55.3 halka sare u qaadidda uruurinta canshuuraha iyadoo la adeegsanaya qaab casri ah ay soo dhaweeyeen boqolkiiba 52.9 .
Boqolkiiba 49.6 ee dadka dareenkooda ka dhiibtay daraasaadka ayaa madaxweynaha ku amaanay wanaajinta nolosha dadka uu dakhligoodu hooseeya.
Dadweynaha oo la weydiiyay su’aal ahayd sida uu madaxweynaha wadanka William Ruto uga soo baxay ballanqaadkiisi ku aaddana hoos u dhigidda qiimaha maciishadda iyo helidda cunnada ayaa siiyay boqolkiiba 39.6 ilaa 42 boqolkiiba.
Madaxa Infotrak ayaa xusay in hoggaamiyaha wadanka laga doonayo inuu ka shaqeeyo sidii loo yarayn lahaa sicir bararka nololeed ee wadanka ka jiro.
Marka la eego maamul wanaagga , kenyaanka ayaa maamulka Ruto ku qiimeeyay boqolkiiba 54.2 .
Arrimaha garsoorka waxay boqolkiiba 57.2 ee dadweynaha ku bogaadiyeen madaxweynaha magacaabidda 6 garsoorayaal ah oo uu dhinac iskaga dhigay Uhuru Kenyatta.
Sida uu uga soo baxay ballanqaadkii madaxweynaha ee ahaa inuu xafiiskiisa ka dhex aasaasi doono qayb qaabilsan xuquuqda dumarka ayaa lagu sheegay boqolkiiba 53.6 .