Barasaabka ismaamulka Meru ,Kawira Mwangaza ayaa iska fogeysay ilaa sagaal eedeymo oo ay u jeediyeen wakiillada deegaannada hoose ee ismaamulkaasi.
Wakiillada ayaa qodobbadan u cuskaday inay xil ka qaadis ku sameeyeen Kawira.
Hasa ahaate Mwangaza oo uu weheliyo qareenkeeda ayaa maanta ka soo hormuuqatay guddi gaar ah oo uu aqalka sare u xil-saaray inuu baaritaano ku sameeyo waxyaabaha lagu dhaliilay.
Guddiga aqalka sare ee uu hoggaaminaya senatarka ismaamulka Kakamega, Boni Khalwale ayaa dhammaan dhinacyada qaybta ka ah dacwaddan u xaqiijiyay inay cadaalad heli doonaan.
Boni Khalwale ayaa sheegay in xubnaha guddiga oo ka kooban 11 inay si taxaddar leh u eegi doonaan caddeymaha ay soo bandhigaan wakiillada golaha hoose iyo barasaabka si go’aan cadaalad ah loo soo saaro.
Waxaa Khalwale ku xigeen u ah senatarka ismaamulka Machakos Agnes Muthama.
Xubnaha kale ee guddigan oo ka kooban 11 ayaa kala ah Jackson Mandago, Karungo Thangwa ,Esther Okenyuri, Cali Ibraahim Roba , Peris Tobiko, Eddy Oketch, Joseph Githuku Kamau, Edwin Sifuna iyo senatar Jones Mwaruma.
Eedeymaha loo jeediyay Kawira ee ay beenisay waxaa ka mid ah qof jecleysi, magacaabid sharci darro ah, cabburinta maamullada dastuuriga, kicin dadweyne, cabsi gelin iyo inay sameysay olole marin habaabin oo ka dhan ah mas’uuliyiinta kale, shaqaale ay si aan nidaam ahayn u ceyrisay , inay xarunta golaha hoose ee Meru ay si awood ah gudaha ugu gashay , inay soo abaabushay dibadbaxyo sharci darro oo ka dhan ah wakiillada , ku xadgudubka xeerarka lagu maamulo lacagaha dadweynaha ee PFM iyo habdhaqan xumo la xiriirta magacaabidda wasiirrada maamulkeeda.
Haddii guddiga uu ku qanco sababaha xilka looga qaaday barasaabka Meru waxaa uu warbixin arrinkan ku aaddan u gudbin doonaa aqalka sare.
Guddiga ayaa haysta ilaa 30-ka bishan si uu u soo gabagabeeyo baaritaannada dabagalka ah.