Afghanistan:Hay’ado badan oo howlahooda hakiyay ka dib amarkii Taalibaan

0
358

Ugu yaraan kala bar tirada hay’adaha shisheeye ee ka shaqeynayay gudaha wadanka Afghanistan ayaa sheegay inay hakad geliyeen barnaamijyada gargaarka ee ay fidinayeen.
Tani ayaa timid ka dib markii kooxda Taalibaan ee dalkaasi maamusho ay amartay in hay’adaha maxalliga, kuwa caalamiga iyo kuwa aan dowliga ahayn ay shaqaalahooda haweenka ah ku wargeliyaan inaynan soo shaqo tagin.
Kooxda ayaa amarkan u aaneysay in walaac laga muujiyay xeerarka labiska sida xijaabka oo aan loo hoggaansamin.
Hay’adaha gargaarka sida Save the Children, Norwegian Refugee Council iyo CARE International ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay in howlwadeennada haweenka ah la’aantood aynan gaari karin carruurta , ragga iyo dumarka caawimaadda u baahan.
Hay’adaha ayaa xusay in ragga iyo haweenka ay si buuxda uga wada qayb qaadan karaan gurmadka sidaas awgeedna ay barnaamijyadooda si ku meel gaar ah u joojiyeen ilaa iyo inta faahfaahin dheeraad ah laga soo saaraya.
Waxaa amarka ka soo baxay Taalibaan cambaareeyay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken
Hasa ahaate afhayeenka kooxdan Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in xukuumadda Washington aynan soo faragashan karin arrimaha gudaha ee Afghanistan.