Qayb ka mid ah waddada Mombasa road oo maalmo la xiraya

0
389

Maamulka qaran ee waddooyinka waawayn (KeNHA) ayaa sheegay in muddo toddobo cishe ah la xiri doono qayb ka mid ah waddada wayn ee xiriirisa ismaamullada Nairobi iyo Mombasa ee loo yaqaano Mombasa Road.
Amarkan oo shalay dhaqan galay ayaa shaqeyn doono ilaa 1-da bisha Jannaayo ee sanadka 2023.
KeNHA ayaa bayaankeeda ku sheegtay in tani looga gol-leeyahay in la dhameystiro howlo dhismo oo halkaasi ka socdo.
Maamulka ayaa gaadiidleyda ugu baaqay inay u hoggaansamaan tilmaamooyinka saraakiisha waaxda taraafikada .
Sidoo kale wadayaasha baabuurta iyo mootooyinka ayaa lagu boorriyay inay ilaaliyaan xaddiidaada xawaaraha gaar ahaan marka ay u dhow yihiin goobta uu dhismaha ka socdo mise meelaha ay ka leexanayaan.