Waxaa maanta billowday fadhiyada ay yeelanayaan xubnaha guddi uu aqalka sare ee dalka u xil saaray inuu baaritaano ku sameeyo xil ka qaadis ay wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Meru ku sameeyeen barasaabka dowlad deegaankaasi, Kawira Mwangaza.
Senatarka ismaamulka Kakamega , Boni Khalwale oo guddigan hoggaaminaya ayaa dadweynaha u xaqiijiyay inay howsha loo igmaday u gudan doonaan si hufan.
Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee Twitter-ka aqalka sare ayaa waxaa ku cad in xubnaha ay ku dadaali doonaan sidii dhinacyada dacwaddan qaybta ka ah ay ugu qanci lahaayeen natiijada ka soo baxdo baaritaannada.
Waxaa Khalwale ku xigeen u ah senatarka ismaamulka Machakos Agnes Muthama.
Xubnaha kale ee guddigan oo ka kooban 11 ayaa kala ah Jackson Mandago, Karungo Thangwa ,Esther Okenyuri, Cali Ibraahim Roba , Peris Tobiko, Eddy Oketch, Joseph Githuku Kamau, Edwin Sifuna iyo senatar Jones Mwaruma.
Barasaabka Meru, Kawira Mwangaza ayaa ku eedeysan maamul xumo ay ka mid tahay inay ku takriifashay awoodeeda xafiiseed oo ay sameysay magacaabid aan habboonayn halka ay howlwadeeno shaqada ka ceyrisay iyadoo aan raacin nidaamka degsan.
Hasa ahaate waxay hoosta ka xarriiqday in aynan wax dembi ah sameyn oo xil ka qaadisteeda ay tahay mdi siyaasadeysan.
Guddiga uu hoggaaminaya Boni Khalwale ayaa haysta muddo toban cishe ah oo uu warbixintiisa ugu gudbin karo aqalka sare.