Waaxda caafimaadka xoolaha ee ismaamulka Tana River ayaa wadda olole tallaal oo ka dhan ah cudurrada xoolaha ku dhaca oo lagu beegsanayo ugu yaraan 1.1 milyan oo neef oo isugu jiro Ido iyo Ari cad.
Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha ee dowlad deegaankaasi Dr.Paul Mwamburi, ayaa sheegay in ololahan oo billowday 16-kii bishan uu socon doono ilaa 28-ka bisha Diseembar ee sanadkan.
Dr.Mwamburi ayaa sheegay in barnaamijkan uu ka socdo deegaannada hoose ee kala ah Gafuru, Chanani, Chifiri, Wayu iyo Haroresa oo muddooyinkii u dambeeyay laga soo sheegayay cudurrada xoolaha saameeya.
Waxaa ay deegaannadan hoos tagaan deegaan baarlamaaneedka Galole ee ismaamulka Tana River.
Dr.Mwamburi ayaa xusay in xoolaha laga tallaalaya cudurro uu ka mid yihiin Caprine pleuropneumonial oo ah xanuun ku dhaca Idaha iyo Ariga.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in barnaamijkan uu maalgeliyay Midowga Yurub.