Fannaan magaca madaxweyne ku xigeenka Kenya baraha bulshada ku sameystay oo la xiray

0
283

Saraakiisha dambi baarista ee magaalada Eldoret ayaa gacanta ku dhigay fannaan lagu magacaabo Collins Kipleting Serem oo loo yaqaano Rengstari islamarkaana ay da’diisu tahay 22 sano jir ah.
Waxaa uu wajahaya eedeymo la xiriira inuu iska dhigay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua, ka dib markii akoon been abuur ah uu ku furtay magaca hoggaamiyaha labaad ee ugu sarreeya wadanka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shakhsigan uu barta Facebook-ga ku furtay isagoo adeegsanaya magaca Rigathi Gachagua, ayaa saraakiisha dambi baarista sheegeen in uu ka helay lacag aan cadadkeeda la garanayn.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in eedeysanaha lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen saraakiil ka tirsan xafiiska madaxweyne ku xigeenka wadanka.
Eedeysanaha ayaa muwaadiniin kenyaan ah qaab khiyaano ah lacag uga qaatay, taasoo u muuqata inay taageerayeen ololaha socda ee uu isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ku taageeraya dadka danyarta ah.
Sida laga soo xigtay waaxda DCI, tuhmanaha ayaa sameystay akoon Mpesa oo lacagaha loogu soo dirayay.
Eedeysanaha ayaa ugu baaqay in ka badan 14,000 qof oo ku xirneyd barta been abuurka ee Facebook-ga oo u sameystay, inay lacag u ururiyaan kenyaanka danyarta ah ee gaajada la daala dhacaya.
Waxaa uu hadda ku jira xabsiga, isagoo sugaya in maxkamad la soo taago.