Dhowr sarkaal oo ka tirsan booliiska dalka Turkiga ayaa ku dhaawacmay qarax laga soo tabiyay gobolka Koonfurta bari ee Diyarbakir.
Tani ayaa timid ka dib markii bambo ay ku qaraxday baabuur yar oo siday ciidamada oo marayay waddo wayn.
Waxaa khasaaraha ka dhashay qaraxa xaqiijiyay wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga ,Suleyman Soylu.
Qaraxa ayaa dhacay abaare 5:10 aroornimo ee saacadda dalkaasi.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in la xiray labo qof oo la rumeysan yahay inay falkan ka dambeeyeen.
Xafiiska guddoomiyaha gobolka Diyarbakir ayaa bayaan ku sheegay in kastoo aynan dhimasho jirin haddana in sagaal sarkaal oo dhaawacmay la geeyay isbitaalka.
Bayaanka waxaa ku cad in weerarka bambada loo adeegsaday uu ka dhacay meel u dhow suuqa xoolaha oo masaafo dhan 10 kiilomitir dhanka Koonfureed kaga beegan bartamaha Diyarbakir.
Ma jirto cid durbaba sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay Turkiga.
Hasa ahaate waxaa horay wadankaasi weerarro uga gaystay ISIS, Kurdiyiinta iyo xoogag kale.