Madaxweynaha dalka oo ballan qaaday wanaajinta adeegyada qurbajoogta

0
375

Madaxweynaha dalka William Ruto oo ku sugan Maraykanka ayaa ballan qaaday in maamulka Kenya Kwanza uu wanaajin doono adeegyada loo fidiyo kenyaanka ku nool qurbaha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in waaxda dhawaan la soo dhisay ee arrimaha qurbajoogta ay xoojin doonto adeegyada ay Kenyaanka ka helaan safaaradaha caalamka.
William Ruto ayaa xusay in iyadoo laga faa’iidaysanaya horumarka tiknolojiyadeed, adeegyo badan lagu bixin doono qaab online ah.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa carrabka ku adkeeyay in muwaadiniinta ku nool qurbaha ay saacado badan u safraan in looga adeego xarumaha ay Kenya ku leedahay dibadda.
William Ruto ayaa ku celceliyay in qurbajoogta ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin kobaca dhaqaale ee dalka.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay lacagaha laga soo diro dibadda ee soo gaaro qoysaska kenyaanka ah.
William Ruto ayaa arrintan ka hadlay xilli uu magaalada Washington ee Maraykanka kula kulmay kenyaanka halkaasi ku nool.
Waxaa uu u sheegay in dowladda ay ku dadaalayso sidii iyadoo la adeegsanaya xiriirka wanaagsan ee ay leeyihiin qurbajoogta gudaha wadanka looga sameyn lahaa maalgashi balladhan.