Dib u furka xeryaha IFO II iyo Kaambi coos oo laga wada hadlay

0
332

Dowladda ismaamulka Garissa oo kaashanaysa hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR iyo hay’adda cunnada adduunka ee WFP iyo waaxyo kale ayaa billowday wada hadallo ku aaddan sidii dib loogu furi lahaa xeryaha qaxootiga ee IFO 2 iyo Kaambi Coos.
Kulan arrinkan ku saabsan ayaa ka qabsoomay Dadaab.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta qorshaha dib loogu furaya xeryahan oo la xiray sanadihii 2017 iyo 2018 kadib markii ay yaraatay tirada qaxootiga maadaama in badan oo ka mid ah ay dib ugu laabteen Soomaaliya.