Cumar Cabdullahi oo ah sarkaalka shirkadda adeegyada biyaha iyo maareynta bullaacadaha ee magaalada Garissa ee GAWASCO u qaabilsan xiriirka bulshada ayaa dadweynaha ku boorriyay in ay biyaha keydsadaan .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in roobabka da’ay awgood uu webiga River Tana keenay biyo aan nadiif ahayn.
Cumar ayaa sheegay in sifeynta biyaha ay wakhti qaadanaysa sidoo kalena aynan wakaaladda GAWASCO soo saari karin baaxadii biyaha ee hore taasina ay ku qasbaysa in ay u qaybiyaan xaafadaha magaalada Garissa.