3 qof oo cudurka daacuunka ugu geeriyooday Kisumu

0
863

Waxaa la xaqiijiyey in saddex qof ay geeriyoodeen ka dib markii cudurka daacuunka uu ka dillaacay degmada Nyando ee ismaamulka Kisumu.
Wasiirka caafimaadka iyo nadaafadda ee Kisumu Gregory Ganda ayaa sheegay in astaamaha daacuunka lagu arkay 15 ruux oo kale.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in baaritaanno ay ka sameeyeen isbitaalka guud ee Kisumu.
Ganda ayaa intaasi ku daray in sidoo kale shuban biyood uu ka jiro Nyando.