Barasaabka ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullahi ayaa sheegay in guddoomiyaasha ismaamullada hoos tago golaha horumarinta xoolo dhaqatada ee FCDC iyo si guud dowlad deegaannada lagu tilmaamo oomanaha ee ASALs inay kulan la qaateen saaxiibbada Kenya ee dhanka horumarka.
Shirka waxaa qayb ka ahaa mas’uuliyiin matalaya hay’adda horumarka caalamiga ee USAID ee laga leeyahay Maraykanka , Midowga Yurub, Bangiga Adduunka , Qaramada Midoobay,safaaradaha Maraykanka , Jarmalka iyo Netherlands.
Axmad Cabdullahi ayaa kulanka ku tilmaamay mid wada tashi ah.
Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen golaha barasaabyada ismaamullada ee CoG iyo hay’adda USAID, ayaa ku qotomay sare u qaadidda iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha , horumarka iyo xoojinta u adkeysiga caqabadaha.