War dedeg ah ayaa sheegaya in weerar ka dhacay dalka Lebanon lagu dilay sarkaal militari oo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Ireland.
Tani ayaa timid ka dib markii la weeraray kolonyada baabuurta ee ciidamada nabad sugidda ee halkaasi ku sugan.
Baabuurta oo labo ah ayaa siday 8 sarkaal oo ku wajahnaa Beirut.
Militariga Ireland ayaa bayaan ku xaqiijiyay in askari looga dilay weerarka.
Xubin kale oo ka tirsan ciidamada nabadsugidda ee Lebanon (UNIFIL) ayay xaaladiisa caafimaad liidataa ka dib dhaawac soo gaaray.
Labo askari oo kale ayaa laga daaweeyay dhaawacyo fudud.
Weerarka ayaa dhacay xalay.