Sida uu qorayo wargeyska maalinlaha ee ka soo baxo gudaha wadanka ee Daily Nation, dambi baarayaasha dalka ayaa gacanta ku haya 7 sarkaal oo maareynayay imtixaanka KCSE-da ee ismaamulka Wajeer.
Howlwadeennada ayaa gacanta lagu dhigay ka dib markii wax isdabamarin laga soo tabiyay dugsiga sare ee wiilasha ee deegaan baarlamaneedka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer.
Ciidamada dambi baarista ee saldhigga booliiska Ceeldaas ayaa helay xog sirdoon ah ,waxayna booqdeen dugsiga sare ee deegaankaasi oo ay ardayda u fadhiyeen imtixaanka maadada loo yaqaano Chemistry-ga.
Waxaa ay ciidamada dugsigaasi ka soo heleen taleefoonnada gacanta ah oo lagu helay saddax arday ah.
Waxaa sido kale dambi baarayaasha gacanta ku dhigeen taleefoono ay lahayeen saraakiishi ilaalinaysay imtixaanka.
Labo askari oo boolis ah ayaa sidoo kale lagala wareegay telefoonadooda si wax looga ogaado.
Home Wararka Kenya Saraakiil loo haysto inay sameyeen wax isdaba marinta imtixaanaadka Wajeer oo la...