Maraykanka oo ciidamo gaynaya Australia

0
294

Dowladaha Maraykanka iyo Australia ayaa ku heshiiyay xoojinta xiriirka ka dhexeya ee dhinaca gaashaandhigga.
Xukuumadda Washington ayaa sida heshiiska ku cad ciidamo dheeraad ah u diri doonto Australia.
Xukuumadda Washington ayaa sidoo kale joogteyn doonto in ciidamadeeda hawada, badda iyo dhulka ay dalkaasi ku sugnaadaan.
Labada dhinac ayaa go’aanka ay qaateen u cuskaday walaac ay ka qabaan tallaabooyinka Shiinaha iyo siyaasadda uu ku wajahaya jasiiradda Taiwan.
Arrintan ayaa timid ka dib kulan ay magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka ay ku yeesheen saraakiisha sar sare ee difaaca iyo dibloomaasiyadda labada waddan.
Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin iyo dhigiisa Australia Richard Marles ayaa shir jaraaid oo ay si wadajir ah u qabteen ka sheegay inay ku heshiiyeen arrimo badan oo dhinaca gaashaandhigga ah.
Sidoo kale waxay isku afgarteen inay mustaqbalka soo dhaweystaan dowladda Japan si la iskaga garabsado saameynta xukuumadda Beijing ee qaaradda Aasiya.