Maamullada caasimadda Shiinaha oo qafiifiyay xayiraadaha COVID-19

0
224

Waxaa lagu soo warramayaa in dowladda Shiinaha gaar ahaan maamulka caasimadda dalkaasi ee Beijing uu qafiifiyay tallaabooyinkii uu ku xakameynayay faafitaanka cudurka COVID-19.
Waxaan hadda qasab ahayn in qofka ka adeeganaya dukaamada waawayn ama galaya dhismooyinka ganacsiga ee Shiinaha uu soo bandhigo shahaado muujinaysa in laga baaray oo laga waayay cudurka.
Tani ayaa ah tallaabadii ugu dambeysay ee ay dowladda Shiinaha ku fududeysay istaratiijiyadii ay kula dagaalamaysay caabuqa corona ka dib markii ay dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo xayiraadaha.
Hasa ahaate dadweynaha ayaa looga baahan yahay inay soo bandhigaan shahaadada corona marka ay ku sugan yihiin dugsiyada , xarumaha intarneetka ,goobaha xannaanada , meelaha lagu caweeyo iyo goobaha jimicsiga.
Dibadbaxyada oo ka dhacay in ka badan 20 magaalo oo ku yaalla Shiinaha ayaa soo billowday 25-kii bishii hore.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii dowladda dalkaasi ay shaacisay qorsho ay cudurka corona uga tallaalaysa malaayiin ka mid ah shacabkeeda oo ay da’doodu u dhexeyso 70 ilaa 80 sano.