Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa meesha ka saaray sheegashada ah in maamulkiisa uu faragelin ku hayo howlaha shaqo ee waaxda garsoorka wadanka.
Waxaa uu sheegay in marnaba uusan isku dayin inuu faragelin ku sameeyo garsoorka iyo sidoo kale waajibaadkooda shaqo.
Mucaaradka ayaa madaxweynaha dalka ku eedeeyeen inuu garsoorka ay gacantiisa ku jiraan, islamarkaana ay u fulinayaan danihiisa.
Dr. Ruto ayaa xusay in maamulkiisa uu xushmeynayo garsoorka, xitaa haddii ay gaaraan go’aanno aan wanaagsaneyn.
Hoggaamiyaha ugu sarreya dalka ayaa ballanqaaday inuu si dhow ula shaqeynayo garsoorka iyo dowladda hoose ee ismaamullka Nairobi, sidii loo dhisi lahaa afar maxkamadood oo yar yar oo ku yaalla caasimadda wadanka.
Waxaa uu sidoo kale ballanqaaday inuu sii wadi doono taageerrada aan shuruudda ku xirneyn ee uu la garab taagan yahay waaxda garsoorka dalka, si ay awood ugu yeeshaan inay gutaan waajibaadkooda shaqo.
Dhanka kale madaxa cadaaladda ee dalka, Martha Koome ayaa ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo in guud ahaan dalka laga ciribtiro gudniinka fircooniga.
Waxaa ay xustay in dhaqankani uu yahay mid wax u dhimaya mustaqbalka gabdhaha yar.