Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa sheegay inay dhawaan shaaca ka qaadi doonaan wixii dhacay xilligii doorashadii guud.
Mr. Odinga ayaa intaasi ku daray inuunan isbeddel ku imaan qorshahoodii ahaa in Arbacada soo socoto ee 7-da bishan Diseembar ay isku soo bax dadweyne ku qabtaan fagaaraha Kamukunji ee ismaamulka Nairobi.