Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ruushka Sergey Lavrov oo wareysi bixiyay ayaa dowladda Maraykanka iyo gaashaanbuurta NATO ku eedeyay inay qayb ka yihiin duullaanka militari ee ay xukuumadda Moscow ka wado gudaha wadanka Ukraine.
Lavrov ayaa sheegay inay jirtay fursad dhab ah oo looga baaqsan karay dagaalka.
Waxaa uu intaasi ku daray in reer galbeedka aynan ka faa’iidaysan fursaddan oo ay door bideen inay iska indha tiraan soo jeedinnadii Ruushka ee ahaa in la joojiyo sii ballaarinta NATO oo lagu heshiiyo amniga xukuumadda Kyiv.
Hasa ahaate reer galbeedka ayaa dhankooda sheegaya in dowladda Ruushka ay ka hor inta aynan ku duulin Ukraine soo jeedisay waxyaabo aan macquul ahayn.