Ciidamada booliiska ee dalka Spain ayaa baaritaano sameynaya ka dib markii la helay warqad la soo dhigay bannaanka saldhigga ciidamada hawada ee magaalada Madrid.
Saraakiisha dowladda Ukraine ayaa sheegaya in warqadda lagu soo duubay waxyaabaha qarxa.
Tani ayaa ku soo beegantay hal maalin un kadib markii qarax uu ka dhacay safaaradda dowladda Ukraine ay halkaasi ku leedahay.
Waxaa falkaasi ku dhaawacmay hal qof oo shaqaale ah.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba ayaa amray in la adkeeyo amniga safaaradaha ay ku leeyihiin dalalka kale.
Waxaa uu dhigiisa Spain ka dalbaday inuu qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu baaraya weerarkii dhacay.