Cayaaraha koobka adduunka oo maanta ka billaabanaya Qatar

0
416

Waxaa uu qorshuhu yahay in maanta dalka Qatar ay ka furmaan cayaaraha koobka adduunka ee sanadka 2022-ka.
Dowladda Qatar ayaa soo saartay qodobbo dhowr ah oo la doonaya in la ilaaliyo inta ay cayaaraha socdaan waxaana ka mid ah in aan siyaasad lagu mashquulin iyo in aan haweenka gacmaha lagu salaamin.
Sidoo kale waxaa halkaasi mamnuuc ka ah adeegsiga daroogada sida khamriga.
Qaar ka mid ah reer galbeedka ayaa arrintan ku dhaliilay dowladda Qatar.
Hasa ahaate waxaa xukuumadda Dooxa difaacay madaxa xiriirka caalamiga ee kubadda cagta ee FIFA Gianni Infantino.
Shir jaraaid oo uu qabtay ayuu ka sheegay in reer galbeedka aynan u xaq lahayn inay Qatar u jeediyaan casharro dhanka hab-dhaqanka ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here