Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa ku baaqay in xabad joojin ay ka dhaqangasho jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC oo ay ku dagaallamayaan ciidamada dowladda wadankaasi iyo fallaagada M23.
Uhuru iyo hoggaamiyaha Rwanda Paul Kagame ayaa isla qaatay in loo baahan yahay in kooxda M23 ay colaadda joojiso ama ay ka baxdo deegaano ay qabsatay.
Uhuru Kenyatta ayaa maalmo ka hor tagay DRC isagoo ah dhexdhexaadiye matalaya toddobbada xubnood ee ku mideysan jaaliyadda bariga Afrika ee EAC sidoo kalena ah ergeyga arrimaha nabadda ee Midowga Afrika.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dowladda Kenya ay qaar ka mid ah ciidamadeeda militari ay gaysay DRC si ay qayb uga noqdaan sugidda amniga wadankaasi.