Golaha ay ku mideysan yihiin madaxda ismaamullada wadanka ee CoG ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay bilyaneerka u dhashay Maraykanka ee Bill Gates.
Waxay ka wada hadleen dhinacyada ay iska kaashan karaan si gaar ah arrimaha caafimaadka, wax soo saarka beeraha , la tacaalidda isbeddelka cimillada iyo maareynta aqoonta si loo wanaajiyo adeegyada loo fidiyo bulshada.
Golaha guddoomiyaasha dowlad deegaannada ayaa bogaadiyay dadaallada ay hay’adda Bill and Melinda Gates Foundation ka wado gudaha dalka.
Sidoo kale waxay soo dhaweeyay tallaabada ay hay’addan xafiis goboleed uga furanaysa caasimadda wadanka ee Nairobi.
Wada hadallada ayaa sidoo kale ku saabsanaa adeegsiga tiknolojiyadda iyo hal-abuurka si wax looga qabto baahiyaha caafimaad.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in sare loogu qaado awoodda shakhsiyaadka si iskood ah uga shaqeeya daryeelka caafimaad ee CHVs, xoojinta badqabka cunno iyo xoojinta u adkeysiga saameynta isbeddelka cimillada.
Guddoomiyaha golaha barasaabyada wadanka Anne Waiguru ayaa sheegtay in CoG ay ka go’an tahay u ololeynta nidaamka dowlad wadaajinta.
Waxay dhammaan saaxiibbada Kenya ku boorrisay inay si dhow ula shaqeeyaan dowladaha ismaamullada si adeegyada bulshada ay u noqdaan kuwo wax ku ool ah.
COG today held a Consultative meeting with Philanthropist, @BillGates, Co-Chair of the @gatesfoundation. The Council & Bill Gates discussed areas of partnership in the sectors of Health, Agriculture, Climate Change, and Knowledge management for improved service delivery pic.twitter.com/RWTYGlyGzF
— Council of Governors (@KenyaGovernors) November 17, 2022
Further, the council has also recommended bringing to scale innovations that have been successful in other similar jurisdictions. pic.twitter.com/ywMseW61dr
— Council of Governors (@KenyaGovernors) November 17, 2022