Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa ansixiyay magacyada sagaal qof oo ku biiraya baarlamaanka bariga Afrika ee EALA si ay u matalaan Kenya.
Shan ka mid ah dadkan ayaa ka tirsan isbeheysiga talada dalka haya ee Kenya Kwanza halka afarta kalena uu soo xushay isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya.
Waxaa ay kala yihiin senatarkii hore ee ismaamulka Mombasa Xasan Cumar ,Kennedy Kalonzo,Zipporah Kering, David ole Sankok ,Godfrey Mwangi ,Falxada Deqow ,Winnie Odinga ,Kanini Kega iyo Suleiman Shahbal .