Kuuriyada Waqooyi oo gantaal adeegsatay

0
293

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu soo warramayaa inay adeegsatay gantaal kale.
Taliyaha ciidamada iskudhafka ah ee Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta oo khamiis ah sheegay in gantaal ay riddadiisu heer dhexe tahay laga soo ganay aagga Wonsan ee Kuuriyada Waqooyi in kastoo uunan faahfaahin dheeraad ah ka bixin dhacdadan.
Tallaabadan ayaa timid saacado un ka dib markii xukuumadda Pyongyang ay ku hanjabtay falcelin adag oo militari.
Waxay sheegtay inay ka jawaabi doonto dadaallada dowladda Maraykanka ay ku xoojinaysa amniga gobolka.