Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in buug uu ka qoray 10-kii sano ee maamulkii madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta uu diyaar noqon doono sanadka cusub.
Arrintan ayuu shaaciyay xilli uu xalay wareysi gaar ah siinayay telefishinka maxalliga ee Citizen.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ka dib markii laga qaaday xilkii hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka uu helay muddo ku siman labo sano oo uu xogga ku saaray qoritaanka buugga.
Qoraalka Ducaale ayaa ku saabsan siyaasadda dhagarta ku saleysan sida uu ku sheegay cinwaanka buugga.