Ganacsatada xoolaha ee Muqdisho oo sheegay in Al-Shabaab canshuurta uga qaadaan meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya

0
405

Ganacsatada xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay Al-Shabaab weli ka qaadaan lacago baad ah oo ay ugu yeereen sakaawaad iyo canshuur.
Qaar ka mid ah ganacsatadan oo la hadlay laanta afka soomaaliga ee VOA-da, ayaa sheegay in Al-Shabaab lacagahan uga qaadaan meel aan ka fogayn aqalka madaxtooyada Soomaaliya looga arrimiyo ee Villa Soomaaliya iyo suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Ganacsatada ayaa sheegay inaysan waxba iska beddelin lacagihii laga qaadi jiray tan iyo markii dowladda ay sheegtay in la joojiyo lacagaha la siiyo kooxdaasi.
Waxaa ay sheegeen in xoolaha markii laga dhoofinayo dekedaha Boosaaso iyo Berbera in canshuur looga qaado bar kantarool oo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Buqda oo 40 kiilomitir u jirta magaalada Buulo Burde.
Waxaa ay ku eedeeyeen dallada dhoofinta xoolaha inay Al-Shabaab kula heshiisay ciddii aan warqad ka wadinin dalladooda in aysan xoolo ka dhoofin karin dalka Soomaaliya.
Dhanka kale dallada dhoofinta xoolaha ayaa beenisay eedda loo soo jeediyay, waxayna sheegeen in uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeya iyaga iyo Al-Shabaab.
Waxaa ay sidoo kale beeniyeen in Al-Shabaab ay lacago siiyaan.
Sanado ka hor ayay ahayd markii dowladda ay kala dirtay dalladii gaadiidleyda Soomaaliya, kadib markii uu soo galay tuhun la xiriira inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.