Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa ansixiyay in berri subax uu qabsoomo kal-fadhi gaar ah oo ay mudanayaasha ugu codeynayaan shakhsiyaadka Kenya ku matali doono baarlamaanka bariga Afrika ee EALA.
Waxay u codeyn doonaan sagaal xubnood .
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichung’wah ayaa sheegay inaynan ku filnayn keliya galinka dambe ee Khamiista balse loo baahan yahay waqti dheeraad ah.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in guddiga howlaha baarlamaanka ee House Business Committee uu qabo in kal-fadhiga uu billowdo 10-ka barqannimo.
Karraaniga baarlamaanka Samuel Njoroge iyo dhigiisa aqalka sare Jeremiah Nyengenye ayaa sheegay in labada gole la filaya inay ku heshiiyaan u codeynta shan xubnood oo ka tirsan Kenya Kwanza iyo afar matalaya Azimio La Umoja- One Kenya.
Codeynta ayaa noqon doonto mid qarsoodi ah iyadoo maalmihii ugu dambeeyay xubnaha ay soo kala xusheen Kenya Kwanza iyo Azimio ay ku mashquulsanayeen olole ay ku raadsanayaan taageerada xildhibaannada baarlamaanka.