DHAGEYSO:Booliiska Kuresoi oo qabtay daroogo qiimaheedu yahay 11.5 milyan

0
308

Ciidamada ammaanka ee deegaanka Kuresoi ee ismaamulka Nakuru ayaa gacanta ku dhigay daroogada nooca xashiishka oo ah 350 kiilogaraam.
Waxay qiimaha lacageed ee balwaddan ku sheegeen 11.5 milyan oo shilin.
Saraakiisha ayaa sidoo kale xiray labo qof oo lagu eedeynaya inay ka ganacsadaan daroogada.
Taliyaha booliiska ee Kuresoi Jeremiah Leariwala ayaa warbaahinta uga warramay arrintan.