Xildhibaannada oo maanta billaabay turxaan bixinta xoghayeyaasha wasaaradaha

0
396

Waxaa la qorsheeyay in maanta baarlamaanka wadanka uu su’aallo waydiiyo 11 ka mid ah 51 qof oo loo soo xushay inay noqdaan xoghayeyaasha joogtada ah ee wasaaradaha dowladda sare.
Shakhsiyaadkan ayaa waxaa soo magacaabay madaxweynaha dalka William Ruto.
Turxaan bixinta maanta billaabatay ayaa socon doonto shan cisho si loo xaqiijiyo in dadkan ay u qalmaan u adeegidda qaranka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in turxaan bixinta ay sameyn doonaan guddiyada kala duwan ee golaha xeer dejinta.
Waxaa saaka abaare 9-kii subaxnimo baarlamaanka hor tagay Mr. Julius Korir oo loo soo xushay xoghayaha waaxda arrimaha golaha wasiirrada.
Waxaa su’aallo hataan waydiinaya guddiga baarlamaanka ee arrimaha gudaha iyo maamulka oo uu guddoomiye u yahay xildhibaanka galbeedka Narok Gabriel Tongoyo.
Isla xilligaan Mr, Philip Harsame ,xoghayaha magacaaban ee waaxda dalagga iyo dhigiisa maaliyadda Mr. Chris Kiptoo, ayaa hor tagay guddiyada beeraha iyo maaliyadda.
Mr .Harsame ayaa laga doonaya inuu faahfaahin ka bixiyo wax ka qabashada abaarta.
Abaare 11:30-ka barqanimo ee maanta waxaa turxaan bixin lagu sameyn doonaa Mr. Raymond Omollo oo loo soo magacaabay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha.
Guddiyada baarlamaanka ayaa waxaa qasab ah inay golaha warbixinno u gudbiyaan 24-ka bishan 11-aad.