Cristiano Ronaldo “Man United way ii qiyaantay, ixtiraam iima hayo tababare Erik ten Hag”

0
435

Cayaaryahanka caanka ah ee naadiga Manchester United Cristiano Ronaldo ayaa afka furtay ka dib wareysi uu siiyay wariyaha ay saaxiibka dhow yihiin Piers Morgan isagoo ka hadlay arrimo badan oo la xiriira Manchester United iyo noloshiisa khaaska ah.
Ronaldo ayaa sheegay in Manchester United ay qiyaantay islamarkaana maamulka kooxda iyo tababarahuba ay doonayaan inuu naadiga ka tago, isagoo qiray in qorshe kan la mid ah uu xitaa jiray xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.
Ronaldo ayaa yiri: “Manchester United waxay isku dayday inay qasab igu diraan, Kaliya ma ahan tababaraha balse sidoo kale ragga kale ee kooxda maamula, Waxaan dareemay in la ii qiyaameeyay.
“Waxaan dareemayaa in dadka qaar aysan dooneynin inaan sii joogo Manchester United, kaliya sanadkan ma ahan laakin sidoo kale xilli ciyaareedkii hore.”

Isagoo ka hadlayay tababare Erik ten Hag, wuxuu sheegay inuusan ixtiraam u haynin madaama uu ganaaxay ka dib kulankii Tottenham markii uu u diiday inuu beddel ku galo ciyaarta daqiiqaddii ugu dambeysay.
Ronaldo ayaa yiri: “Ixtiraam uma hayo Erik ten Hag sababtoo ah ixtiraam iima uusan muujanin.
“Haddii aadan aniga ii ixtiraamin, anigana waligay ixtiraam kuuma haynayo.”
Ronaldo ayaa sidoo kale cagta la maray tababarihii hore ee Manchester United Ralf Rangnick oo uu sheegay inuusan waligiis maqlin ka imaanshiyihiisii Old Trafford.
“Haddii aadan xitaa ahayn tababare, sidee ayaad tababare uga noqon kartaa Man United? waligay xitaa ma aanan maqlin isaga” ayuu Ronaldo u sheegay Piers Morgan.