Ciidamada Ukraine oo baaraya dembiyo la sheegay in laga gaystay Kherson

0
186

Saraakiisha booliiska ee dalka Ukraine ayaa baaritaano ku haya dembiyo dagaal oo ay rumeysan yihiin in dowladda Ruushka ay ka gaysatay magaalada Kherson.
Waxay dadka deegaanka ugu baaqeen inay gacan ka gaystaan in la aqoonsado Shakhsiyaadka garab siinayay ciidamada Ruushka muddo Siddeed bilood ah oo ay Kherson haysteen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saraakiisha amniga ee Ukraine inay dib ugu soo laabteen magaaladaasi ka dib markii ay ka baxeen kuwa Ruushka.
Taliyaha guud ee booliiska Ukraine,Ihor Klymenko, ayaa sheegay in ilaa 200 oo sarkaal inay ku sugan yihiin gudaha Kherson.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ciidamada ay sameynayaan bar kontoroollo sidoo kalena ay diiwaangelinayaan caddeymo loo cuskan karo dembiyada dagaal.