Guddoomiyaha ururka horumarinta haweenka ee ismaamulka Garissa Dola Muxumad Colow ayaa shacabka dowlad deegaankaasi ku boorrisay inaynan xiisad u beddelin hadal hayn ka dhalatay tallaabo la sheegay in shaqooyinkoodii looga istaajiyay qaar ka mid ah howlwadeennada.
Waxay ku baaqday in cidii ay arrintan saameysay ay berri u tagto guddi la soo dhisay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo barasaabka ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac Aadan uu shalay xusay in ilaa iyo hadda uunan jirin qof laga eryay shaqadii uu ismaamulkaasi u hayay.
Waxaa uu sheegay in baaritaan dabagal ah oo la sameeyay lagu ogaaday inay jiraan ugu yaraan 3,000 oo qof oo aynan caddeyn qaabkii lagu shaqaaleysiiyay.
Waxaa uu ballanqaaday inuu tallaabo ka qaadi doono shaqaalaha been abuurka ah ee macluumaadkooda la geliyay nidaamka mushaar bixinta.
Guddoomiyaha ayaa warbaahinta u sheegay in baaritaanka la sameeyay lagu ogaaday in keliya 44 ka mid ah 180 qof oo loo shaqaaleysiiyay xilalka agaasimayaasha iyo ku xigeenadooda ay buuxiyeen shuruudaha looga baahnaa ee dhanka waxbarashada.
Sidoo kale waxaa la shaqaaleysiiyay ku dhawaad 100 qof oo darawallo ah in kastoo baabuurta shaqeynayay ay ahaayeen 12 keliya.
Guddoomiyaha Garissa ayaa sheegay in ismaamulkaasi uu yahay midka saddexaad ee dhaqaalaha ugu badan uu uga baxo musharaadka marka laga soo tago Nairobi iyo Mombasa.
Tirada shaqaalaha ee dowlad deegaankaasi ayuu ku sheegay ilaa 7,000 taasoo aan la xamili karin marka la eego barnaamijyada horumarineed ee loo baahan yahay.