Dacwad ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka dalka oo maanta la go’aaminaya

0
212

Waxaa uu qorshuhu yahay in maxkamadda wadanka ay maanta go’aan ka soo saarto codsi ay gudbisay waaxda dacwad oogidda wadanka.
Nuurdiin Xaaji ayaa doonaya in maxkamadda ay u oggolaato inuu meesha ka saaro dacwad horay looga gudbiyay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua oo xilligaasi xildhibaan ahaa.
Siyaasigan ayaa lala xiriiriyay fadeexaad musuqmaasuq oo la sheegay in lagu lunsaday lacag dhan 7.3 bilyan oo shilin.
Hasa ahaate agaasimaha waaxda dacwad oogidda wadanka Nuurdiin Xaaji ayaa dhawaan maxkamadda geeyay codsi ah in aan la sii wadin dacwadda ka dhanka ah Gachagua iyo sagaal qof oo kale maadaama aan loo hayn caddeymo ku filan oo loo cuskan karo.
Tani ayaa timid ka dib markii sarkaalkii baaritaannada hoggaaminayay Kuria Obadia uu qirtay in agaasimihii hore ee waaxda dambi baarista dalka George Kinoti uu ku cadaadiyay inuu baaritaano ku sameeyo Gachagua si loo maxkamadeeyo.
Kooxda u doodaysa madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa dhankeeda doonaysa in agaasimaha dacwad oogidda lagula xisaabtamo inuu kiis maxkamadda geeyay isagoo aan u hayn caddeymo dhameystiran.
Maxkamadda ayaa maanta go’aamin doonto in la oggolaanaya codsiga waaxda uu Nuurdiin Xaaji madaxa ka yahay iyo in kale.