Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa ansixiyay qorsho 903 ka mid ah ciidamada qalabka sida ee wadanka lagu geynayo jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Ansixinta tallaabadan ayaa timid ka dib markii uu soo jeediyay guddiga baarlamaanka u qaabilsan gaashaandhigga iyo xiriirka dibadda ee uu guddoomiyo mudanaha deegaanka Belgut, Nelson Koech.
Koech ayaa hoosta ka xarriiqay in xiriirka laba geesoodka ee ka dhexeya Kenya iyo DRC oo wanaagsan awgiis ay dowladda dhexe go’aansatay inay ciidamadeeda kaalin ka qaataan xallinta amni darrada ka jirta wadankaasi.
Guddoomiyaha guddiga difaaca ee baarlamaanka ayaa sheegay inay suurtagal tahay in beesha caalamka ay ku deeqdo dhaqaale loo adeegsan karo barnaamijkan taasoo uu warbixinteeda soo gudbin doono wasiirka difaaca Aadan Barre Ducaale.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in qorshaha koowaad uu yahay in ciidamada Kenya ay gudaha DRC ku sugnaadaan 6 bilood iyadoo howshan ay ku baxaysa lacag dhan 4.4 bilyan oo shilin.
Mudanaha ayaa sheegay in haddii howlgalka uu qaato hal sano qarashaadka la rajeynaya inuu ku baxo uu yahay 5.5 bilyan ilaa 6 bilyan oo shilin.
7-dii bishii Toddobaad ee sanadkan ayay ahayd markii golaha qaran ee amniga uu ansixiyay in qaar ka mid ah ciidamada difaaca la geeyo DRC.
Kenya ayaa gudanaysa waajibaadkeeda amni ee ka saaran xasilinta Congo oo ay xubno ka wada yihiin jaaliyadda bariga Afrika ee EAC.