Dadka deggan xafaadda Riandira ee deegaanka Galbeedka Mwea ee ismaamulka Kirinyaga ayaa cabsi muujiyay kadib markii si lama filaan ah loo xiray saldhigii booliiska ee xaafada.
Taliyaha booliiska ee Galbeedka Mwea Rashid Cali ayaa xaqiijiyay arrintan asaga oo sheegay in saldhigga loo xiray lacaga deyn oo lagu leeyahay owgeed.
Waxaa uu intaas ku daray in dadka deegaanka ay addeegyada booliiska ka heli karaan saldhigga Rukanga.
Qoyska iska leh guryaha ay addeega qaran ee booliiska ay ijaarteen ayaa warbaahinta u sheegay in ay booliiska ku leeyihiin in ka badan 2 milyan oo shillin.
Dadka deegaanka ayaa ka codsaday in dowladda ay dib ugu soo celiso saldhigga maadama ay xaalada amniga deegaanka ay faraha ka bixi karto hadii xaafada saldhig la’aan la dhigo.