Maraykanka iyo Midowga Yurub oo xayiraado dheeraad ah saaray militariga Myanmar

0
342

Dowladda Maraykanka iyo waddamada Midowga Yurub ayaa cunaqabateyn dheeraad ah ku soo rogay ciidamada qalabka sida ee dalka Myanmar.
Tallaabooyinkan cusub ee la shaaciyay ayaa lagu bartilmaameedsanaya saraakiil, shirkado iyo dadka ka dallaala hubka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo loo ololeynaya in si degdeg ah loo dhaqangeliyo xayiraadahan.
Cunaqabateynta Midowga Yurub ayaa saameynaysa 19 dheeraad ah oo isugu jiro shakhsiyaad iyo shirkado waxaana ka mid ah wasiir iyo madaxa cadaaladda ee Myanmar.
Xayiraadda ayaa lagu sheegay inay timid ka dib markii militariga Myanmar ee talada ka faro-maroojistay maamulkii rayidka ahaa uu sii waday adeegsiga rabshadda iyo ku xadgudubka xuquuqul aadanaha sida uu sheegay golaha Midowga Yurub.
Maraykanka ayaa dhankiisa liiska madow ku daray Kyaw Min Oo oo ka ganacsado hubka iyo shirkadiisa Sky Aviator Company.
Waaxda maaliyadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Kyaw Min Oo uu xiriir dhow la leeyahay militariga Myanmar oo uu xita ka shaqeeya safarrada ay dalkaasi ku tagaan saraakiisha shisheeye ee militari.
Labadii sano ee ugu dambeeyay waxaa gudaha Myanmar oo ay ciidamadu ka sameeyeen howlgallo looga falceliyay inay shacabka ka soo horjeesteen afgembigii dhacay ku dhintay in ka badan 2,400 oo qof sida ay sheegtay qaramada midoobay.