Ilhaan Cumar oo markii saddexaad dib loo soo doortay

0
225

Ilhaan Cumar ayaa markii saddexaad ku guuleysatay doorashada kursiga degmada ee shanaad ee gobolka Minnesota ee Congress-ka Maraykanka, ka dib markii ay ka adkaatay Cicely Davis oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.
Ilhan oo sanadkii 2018-kii noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali-American ah oo loo doorto Congress-ka Mareykanka ayaa difaacatay kursigeeda.
Hadal kooban oo ay u jeedisay taageereyaasheda ka dib guushii ay gaartay ayay ku sheegtay in guusheedu ay mid soomaalida u soo hoyatay, islamarkaana ay ku faraxsan tahay in dib loo soo doortay.