Wasiiradda caafimaadka oo ka hadashay daryeelka guud ee UHC

0
250

Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka ,Susan Nakhumicha ayaa sheegtay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay dardargelinta daryeelka guud ee (UHC) guud ahaan wadanka.
Nakhumicha ayaa hadalkan jeedisay xilli ay socdaal ku tagtay xarunta dhexe ee maamulka soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee KEMSA.
Waxay hoosta ka xarriiqday inay halkaasi tagtay si ay ugu kuurgasho caqabadaha jira iyo waxyaabaha u baahan in lala tacaalo si loo xaqiijiyo in dhammaan kenyaanka ay ka faa’iidaystaan hirgelinta daryeelka caafimaadka guud ee UHC.
Wasiiradda ayaa dhanka kale rajo wanaagsan ka muujisay in isbeddello lagu sameynaya maamulka KEMSA ay noqon doonaan kuwo miro-dhala.